Qiimaha Salaadda

Posted on 24. Feb, 2010 by in Maqaalo

Salaaddu waa cibaadada ugu weyn ee Alle loogu dhwaado, waana xiriirka u dhexeeya Ilaahay iyo addoonkiisa. Marka addonku salaadda xirto wuxuu la koodayaa Ilaahay lana xiriirayaa, wuxuu doonana ka baryayaa, wuxuu ka digtoon yahayna ka magan galayaa, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(قَالَ تَعَالَى: قَسَمْتُ الصَلاَةَ بَيْنِيْ وَبَيْنَ عَبْدِيْ نِصْفَيْنِ وِعَبْدِيْ مَا سَأَلَ. فَإذَا قَالَ العَبْدُ:الحَمْدُ لِلَهِ رَبِ العَالَمِيْنَ قَالَ اللَهُ تَعَالَى: حَمَدَنِيْ عَبْدِيْ وَإذَا قَالَ:الرَحْمَنِ الرَحِيْمِ قَالَ اللَهُ تَعَالَى:أَثْنَى عَلَيّ عَبْدِيْ. فَإذَا قَالَ:مَالِكِ يَومِ الدِيْنِ قَالَ اللَهُ: مَجَدَنِيْ عَبْدِيْ وَقَالَ مَرَةً فَوَضَ إلَيّ عَبْدِيْ. وَإذَا قَالَ:إيَّاكَ نَعْبُدُ وَإيّاكَ نَسْتَعِيْنُ قَالَ اللَهُ: هَذَا بَيْنِيْ وَبَيْنَ عَبْدِيْ نِصْفَيْنِ وَلِعَبْدِيْ مَا سَأَلَ.وَإذَا قَالَ:إهْدِنَا الصِرَاطَ المُسْتَقِيْمَ صِرَاطَ الذِيْنَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ المَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلاَ الضَالِيْنَ قَالَ هَذَا لِعَبْدِيْ وَلِعَبْدِيْ مَا سَأَلَ) رواه مسلم

Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Salaadda waxaan u qeybiyey aniga iyo addoonkayga kala badh wixii uu addoonkayga i weydiistana waan siin.

Markuu addoonku akhriyo faataxada oo yiraahdo; mahad Ilaahey baa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah. Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkeygii waa igu mahadiyey. Markuu yiraahdo; Ilaahey waa kan naxariis guud iyo mid gaarba naxariista. Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkeygii waa i amaanay. Markuu yiraahdo; Ilaahey waa kan hanta maalinta abaal marinta (Qiyaamada). Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkaygii waa i sharrifay waana i tala saartay. Markuu yiraahdo; adiga uun baan ku caabudeynaa, adiga uun baan kaa kaalmo weydiisaneynaa Ilaahow . Alle wuxuu oran tani aniga iyo adoonkayga uun bay noo dhaxaysaa addoonkeygana waaxaan siin wixii uu weydiisto. Markuu yiraahdo: Ilaaheow nagu hanuuni jidka toosan ee xaqa ah, jidka kuwii aad u nicmeysay eedan u caroonin dhuminna. Alle wuxuu oran: Ducadaas waxaa iska leh addoonkayga.

Salaaddu waa tiirka diinta haya, qofkii salaadda oogana diintoo idil ayuu oogay, kii ka tagana diintoo idil ayuu dumiyey. Cibaado kasta waxey leedahay cudurdaar salaadda mooyee, tusaale, hadduu qofka jirrado soon lagama rabo laakiin salaadda waa laga rabaa, sidoo kale hadduu miskiin yahay sako iyo xaj toonna lagama rabo laakiin salaadda waa laga rabaa. Sidaa awgeed Ilaahey kor ahaaye wuxuu addoomadiisa wanaagsan amray iney salaadda ilaaliyaan oo eeyan marnaba dayicin, wuxuuna yiri:

(حَافِظُوا عَلى الصَلَوَاتِ وَالصَلَاةِ الوُسْطَى وَقُوْمُوْا لِلهِ قَانِتِينَ)
البقرة: 238

Xafida (Ilaaliya) Salaadaha iyo salaadda dhexe (Casarka) una istaaga Ilaahey dartii  idinkoo si dhab ah u adeeci.

Markuu qofka si dhab ah u oogo Salaadda isagoo ilaalinaya, shuruuddeeda, waajibaadkeeda, iyo sunante-eda. Ilaaheyna u khushuuca salaadda dhexdeeda waxaa hubaal ah in salaaddaasu ku hanuuninayso xaqa kana fogeynayso xumaha oo idil. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَأقِمِ الصَلَاةَ إنّ الصَلَاةَ تَنهَى عَنِ الفَحْشَاء وَالمُنْكر) العنكبوت:45

Ooga salaadda maxaa yeelay salaaddu waxay dadka ka reebtaa xumaanta iyo xaaraanta. Alle kor ahaaye wuxuu kaloo yiri:

(قَدْ أَفْلَحَ المُؤْمِنُونِ الَذِيْنَ هُم فِي صَلَاتهِم خَاشِعُون)

المؤمنون: 1ـ2

Waxaa dhab ahaan u liibaanay mu’miniinta, kuwaasoo ah kuwa salaaddooda dhexdeeda Ilaahey u khushuuca. Hadduu qofka si wanaagsan u tukado Salaadda waxay ka dhawrtaa xumaha oo idil sida; beenta, dilka, dhaca, tuugada, khyaamada, khamriga, khamaarka, dhilleysiga, iwm. Hadiise qofku ku koco dambiyadaas salaadda ka dib waxaan shaki lahayn inuu salaadda ku gabood falay waayo iimaan iyo Alle ka cabsi toonna kama helin. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee ayaa maalin xusay salaadda markaasuu yiri:

(مَنْ حَافَظَ عَلَيْهَا كَانَتْ لَهُ نُورًا وَبُرْهَانًا وَنَجَاةً مِنَ النَّارِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ، وَمَنْ لَمْ يُحَافِظْ عَلَيْهَا لَمْ يكُنْ لَهُ نُورٌ ، وَلاَ بُرْهَان ، وَلاَ نَجَاة وَكَانَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مَعَ قَارُونَ ، وَفِرْعَونَ ، وَهَامَانَ ، وَأُبَيِّ بْنِ خَلَفٍ)

الطبراني وابن حبان وأحمد باسناد جيد

Qofkii ilaaliya salaadda waxey u noqon ileys (Nuur) iyo hanuun iyo badbaadin qiyaamada, kiise aan ilaalin uma noqoneyso ileys (Nuur) iyo hanuun iyo badbaadin qyaamada wuxuuna la meel noqon; Fircoon, Haamaan iyo Ubay Ibn Khalaf. Salaadda waxaa lagu dhaafaa dambiyada yar yar, taasi waa markuu qofku si joogto ah u tukado Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(أرَأيْتُمْ لَو أنّ نَهْراً بِبَابِ أحَدِكُمْ يَغْتَسِلُ مِنْهُ كُلَ يَومٍ خَمْسَ مَرَاتٍ هَلْ يَبْقَى مِنْ دَرَنِهِ شَيءٌ قَالُوا لَا يَبْقَى مِنْ دَرَنِه شَيءٌ قَالَ فَذَلِكَ مِثلُ الصَلَوَاتِ الخَمْسِ يَمْحُو اللَهُ بِهِنّ الخَطَايَا) متفق عليه

Bal ka warrama hadduu wabi maro irridda qofkiin, kaasoo qofku ku qubeysto maalin kasta shan goor, haddaba wax wasakh ah ma ku harayaa jirkiisa? Waxay saxaabadu yiraahdeen: Maya, wax wasakh ah ku hari maayo jirkiisa. Markaasuu yiri: Sidaas oo kale weeye salaaduhu Ilaahey wuxuu ku dhaafaa gafafka. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu kaloo yiri:

(الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ وَالْجُمْعَةُ إِلَى الْجُمْعَةِ وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ) رواه مسلم

Shanta salaadood dhexdooda iyo labo jimco inta u dhaxaysa iyo labo soonqaad inta u dhaxeysa dambiyada waa lagu dhaafaa haddii laga fogaado kuwooda waaweyn.

Salaaddu waa udub dhexaadka diinta Islaamka waayo waxey kulansatay cibaadooyin kala duwan sida; Qur’aanka akhrintiisa, rukuuca, sujuudda, akhrinta wardiga, khushuuca iyo qibladoo loo jeedsado. Sidaa ayey u noqotay salaaddu cibaadada ugu muhiimsan aduunka, sidoo kale ayey salaaddu tahay camalka ugu horreeya ee addoonka la xisaabo aakhrada. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(إِنَّ أَوَّلَ مَا يُحَاسَبُ بِهِ الْعَبْدُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ عَمَلِهِ صَلَاتُهُ فَإِنْ صَلُحَتْ فَقَدْ أَفْلَحَ وَأَنْجَحَ وَإِنْ فَسَدَتْ فَقَدْ خَابَ وَخَسِرَ فَإِنْ انْتَقَصَ مِنْ فَرِيضَتِهِ شَيْءٌ قَالَ الرَّبُّ عَزَّ وَجَلَّ انْظُرُوا هَلْ لِعَبْدِي مِنْ تَطَوُّعٍ فَيُكَمَّلَ بِهَا مَا انْتَقَصَ مِنْ الْفَرِيضَةِ ثُمَّ يَكُونُ سَائِرُ عَمَلِهِ عَلَى ذَلِك) رواه الترمذي

Camalka ugu horreeya ee laga xisaabo addoonka maalinta qiyaame waa salaadda, haddey salaaddu hagaagto dhab ahaantii addoonkaas waa liibaaney waana guuleystay, haddiise salaaddu xumaato, dhab ahaantii addoonkaas waa hoogay waana khasaaray, hadday ka dhinnaato salaad waajib ah Alle wuxuu oran; u fiiriya addoonkeyga hadduu wax sunna ah leeyahay si loogu kabo waajibka. Markaa ka dib ayaa sidaas cibaadooyinka kalena loo xisaabiyaa.

Salaaddu waa cibaadada ugu weyn ee Alle loogu dhwaado, waana xiriirka u dhexeeya Ilaahay iyo addoonkiisa. Marka addonku salaadda xirto wuxuu la koodayaa Ilaahay lana xiriirayaa, wuxuu doonana ka baryayaa, wuxuu ka digtoon yahayna ka magan galayaa, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(قَالَ تَعَالَى: قَسَمْتُ الصَلاَةَ بَيْنِيْ وَبَيْنَ عَبْدِيْ نِصْفَيْنِ وِعَبْدِيْ مَا سَأَلَ. فَإذَا قَالَ العَبْدُ:الحَمْدُ لِلَهِ رَبِ العَالَمِيْنَ قَالَ اللَهُ تَعَالَى: حَمَدَنِيْ عَبْدِيْ وَإذَا قَالَ:الرَحْمَنِ الرَحِيْمِ قَالَ اللَهُ تَعَالَى:أَثْنَى عَلَيّ عَبْدِيْ. فَإذَا قَالَ:مَالِكِ يَومِ الدِيْنِ قَالَ اللَهُ: مَجَدَنِيْ عَبْدِيْ وَقَالَ مَرَةً فَوَضَ إلَيّ عَبْدِيْ. وَإذَا قَالَ:إيَّاكَ نَعْبُدُ وَإيّاكَ نَسْتَعِيْنُ قَالَ اللَهُ: هَذَا بَيْنِيْ وَبَيْنَ عَبْدِيْ نِصْفَيْنِ وَلِعَبْدِيْ مَا سَأَلَ.وَإذَا قَالَ:إهْدِنَا الصِرَاطَ المُسْتَقِيْمَ صِرَاطَ الذِيْنَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ المَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلاَ الضَالِيْنَ قَالَ هَذَا لِعَبْدِيْ وَلِعَبْدِيْ مَا سَأَلَ) رواه مسلم

Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Salaadda waxaan u qeybiyey aniga iyo addoonkayga kala badh wixii uu addoonkayga i weydiistana waan siin.

Markuu addoonku akhriyo faataxada oo yiraahdo; mahad Ilaahey baa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah. Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkeygii waa igu mahadiyey. Markuu yiraahdo; Ilaahey waa kan naxariis guud iyo mid gaarba naxariista. Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkeygii waa i amaanay. Markuu yiraahdo; Ilaahey waa kanhanta maalinta abaal marinta (Qiyaamada). Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkaygii waa i sharrifay waana i tala saartay. Markuu yiraahdo; adiga uun baan ku caabudeynaa, adiga uun baan kaa kaalmo weydiisaneynaa Ilaahow . Alle wuxuu oran tani aniga iyo adoonkayga uun bay noo dhaxaysaa addoonkeygana waaxaan siin wixii uu weydiisto. Markuu yiraahdo: Ilaaheow nagu hanuuni jidka toosan ee xaqa ah, jidka kuwii aad u nicmeysay eedan u caroonin dhuminna. Alle wuxuu oran: Ducadaas waxaa iska leh addoonkayga.

Salaaddu waa tiirka diinta haya, qofkii salaadda oogana diintoo idil ayuu oogay, kii ka tagana diintoo idil ayuu dumiyey. Cibaado kasta waxey leedahay cudurdaar salaadda mooyee, tusaale, hadduu qofka jirrado soon lagama rabo laakiin salaadda waa laga rabaa, sidoo kale hadduu miskiin yahay sako iyo xaj toonna lagama rabo laakiin salaadda waa laga rabaa. Sidaa awgeed Ilaahey kor ahaaye wuxuu addoomadiisa wanaagsan amray iney salaadda ilaaliyaan oo eeyan marnaba dayicin, wuxuuna yiri:

(حَافِظُوا عَلى الصَلَوَاتِ وَالصَلَاةِ الوُسْطَى وَقُوْمُوْا لِلهِ قَانِتِينَ)
البقرة: 238

Xafida (Ilaaliya) Salaadaha iyo salaadda dhexe (Casarka) una istaaga Ilaahey dartii idinkoo si dhab ah u adeeci.

Markuu qofka si dhab ah u oogo Salaadda isagoo ilaalinaya, shuruuddeeda, waajibaadkeeda, iyo sunante-eda. Ilaaheyna u khushuuca salaadda dhexdeeda waxaa hubaal ah in salaaddaasu ku hanuuninayso xaqa kana fogeynayso xumaha oo idil. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَأقِمِ الصَلَاةَ إنّ الصَلَاةَ تَنهَى عَنِ الفَحْشَاء وَالمُنْكر) العنكبوت:45

Ooga salaadda maxaa yeelay salaaddu waxay dadka ka reebtaa xumaanta iyo xaaraanta. Alle kor ahaaye wuxuu kaloo yiri:

(قَدْ أَفْلَحَ المُؤْمِنُونِ الَذِيْنَ هُم فِي صَلَاتهِم خَاشِعُون)

المؤمنون: 1ـ2

Waxaa dhab ahaan u liibaanay mu’miniinta, kuwaasoo ah kuwa salaaddooda dhexdeeda Ilaahey u khushuuca. Hadduu qofka si wanaagsan u tukado Salaadda waxay ka dhawrtaa xumaha oo idil sida; beenta, dilka,dhaca, tuugada, khyaamada, khamriga, khamaarka, dhilleysiga, iwm. Hadiise qofku ku koco dambiyadaas salaadda ka dib waxaan shaki lahayn inuu salaadda ku gabood falay waayo iimaan iyo Alle ka cabsi toonna kama helin. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee ayaa maalin xusay salaadda markaasuu yiri: