1- Iimaanka; Inuu qofku rumeeyo Ilaahay, ogaadana in Alle oo keliya xaq u leeyahay cibaadada Ilaahey wuxuu yiri:
( وَالْعَصْرِ إِنَّ الْإِنسَانَ لَفِي خُسْرٍ إِلاَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ )اَلعَصَر:1-3
Eebe wuxuu ku dhaartay waqtiga casarka ah in dadku khasaaro kusugan yahay marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyay ee camal fiican falay.
2- Ikhlaaska; Inuu qofku Alle cibaadada u saafi yeelo kana fogaado istustus iyo ismaqashiis Ilaaheyna wuxuu yiri:
( وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ ) اَلبَيِنَة:5
Dadkana waxaan Eebe caabudidiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeeli Ilaahey diinta. Ilaahey ma aqbalo cibaado kasta oo lala wadaajiyey cid kale, laakiin wuxuu jecel yahay cibaadada loogu saafi yeelo Abuu Hureyra Allaha ka raali noqdee wuxuu ka weriyey Nabiga Ilaahey nabad iyo naxariis dushiisa ha yeelee inuu yiri:
(قَالَ الله تَبَارَكَ وَتَعَالَى أَنَا أغْنَى الشُركَاءِ عَنِ الشِرْكِ مَنْ عَمِلَ عَمَلاً أشْرَكَ مَعِي فِيهِ غَيرِي تَرَكْتُهُ وَشِرْكَه) البخاري ومسلم
Allihii weynaa ee sarreeyey wuxuu yiri: Anigu waxaan ahay kan ugu deeqtoon inta wax laysla wadaajiyey, qofkii camal (cibaado) ah fala oo aniga cid kale ila wadaajiya cibaadadaas isaga iyo shirkigiisa waan ka tagey.
3- Raacida Sunnada; waxaa waajib ah in qofka muslimka ahi uu kaga daydo cibaadada iyo akhlaaqda (dabciga wanaagsan) Nabiga oo keliya kana fogaado bidcada iyo firqooyinka ka leexday tubta toosan ee Nabiga kuwaasoo neceb Sunnada Nabiga camalkoodana lama aqbalo ee iyagaa dib loogu celin. Caa’isha Allaha ka raali noqdee waxay tiri; Rasuulka Alle naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
( مَنْ أحْدَثَ فِيْ أَمْرِ هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ ) رواه البخاري ومسلم
Qofkii ku soo derriya diinteena waxaan ka mid ahayn isagaa dib loogu celin. Taasi waxay daliil u tahay inaan diinta waxna lagu kordhin ama dhimi karin.
Sidaa awgeed waxaa ku waajib ah qofka muslimka ah inuu diintiisa barto kadibna uu raaco kitaabka iyo sunnada waayo Ilaahay kor ahaaye wuxuu faray addoomadiisa wanaagsan iney ku daydaan Rasuulka naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuuna yiri:
( لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِيْ رَسُولِ اللَهِ اُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَهَ وَاليَوْمَ الآخِرَ وَذَكَرَ اللَهَ كَثِيْراً ) الاحزاب:21
Dhab ahaantii waxaa idiinka sugnaaday rasuulka kudayasho wanaagsan haddaad tihiin mu’miniinta ka rajeyneysa Ilaahey khayr maalinta qiyaame Eebana xusa in badan.