Axkaamta Soonka

Posted on 07. Dec, 2009 by in Maqaalo

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ

لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (183) أَيَّامًا مَعْدُودَاتٍ فَمَنْ كَانَ مِنْكُمْ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ فَمَنْ تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ وَأَنْ تَصُومُوا خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ (184)  ) البقرة


Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyay Soonka  sidii loogu wajibiyay kuwii idinka horeeyey si aad u dhawrsataan. .waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale(soonkooda)kuwa aan awoodin waxay bixin <quudin> miskiin, ruuxii badsada(khayrkana) saasaa u fiican, inaad soontaan ayaa idiin khayrbadan hadaad tihiin  kuwo wax og.

Alle  ayaa mahad oo dhan u sugnaatay,nabadgalyo iyo naxariisna ha ahaato nabigeenii suubanaa Waxaa walaalayaal soo dhawaadey bishii barakeysnayd ee ramadaanka kariimka ah waa bil Alle uu badiyo ajarka  sidoo kale uu albaabadda  janadda furo, albaabada naartana uu xiro. Waa bishii Alle uu kitaabkiisa quraanka ah soo dajiyey,waa bil bilowgeedu uu yahay raxmah, dhexdeedana dambidhaaf ,dhammaadkeedana waa naarta oo la iska xoreeyo, waa bil aad u fadli badan oo qof walba in uu ka faa-iideysto ay tahay.

Soonku sida aynu la wadasocono waa tiir kamid ah tiirarka  Islaamku ku taagan yahay Sidaa daraadeed qof walba oo muslim ah waxaa looga baahan yahay in uu barto  waxa laga doonayo  bisha soonqaad.

Waa maxay soonku? Soonku waa in aad Alle caabudid adigoo katagaya  waxyaalaha lagu afuro  fajrigu Markuu soo baxo ilaa ay qorraxdu ka dhacdo (maqribkii).

Soonku waxuu waajib ku yahay qofkasta oo muslim ah, qaangaar ah,  caaqil ah,  awoodana oon musaafirna ahayn.
Qofka yar ee aan qaangaar ahayn  lagumaleh soonka waxaase habboon in waalidku amro in uu soomo si uu ula qabsado.
Qofka xanuunsan  oo la rajeynayo in uu ka buskoodo xanuunka  oo aan soomi karin  wuu afuri karaa laakiin waa in uu soo celiyo (qalleeyo) soonkaas markuu caafimaado. Qofka waalan iyo kan doqonka ah oo aan waxba kalasaari karin iyo qofka wey naaday (waayeel) oo isku dhexdarsamay dhammaantood waxba lagama rabo.

Qofka waynaadey caqligiisise qaba ee aan soomi karin iyo kan xanuunsan ee aan buskoodka lahayn  waxay quudinayaan hal qof oo maskiin ah maalin kasta oo soon ah taasoo ah fidyo. Haweeneyda ilmaha nuujineysa iyo tan uurka leh  haddii ay u baqaan naftooda ama  ciyaalkooda  way afurayaan waana soocelinayaan.

Haweeneyda xaydka qabta (macduurka ah) ama umushay  ma soomayso laakiin way qaleynaysaa oo way soocelin markay daahir noqoto.
Qofka musaafirka ah hadduu doono waa soomi karaa hadduu doonana waa afuri karaa waase soocelinayaa maalmihii ka tagey.

Soonka iyo axkaamtiisa:

1 – Niyada
Waxaa laga doonayaa qofka soomaya  in uu la yimaado  niyad ka hor inta uusan fajarka dhalan.

2- Waqtiga soonka
waa laga bilaabo  waagu markuu soo baxo (adaanka salaadda subax) ilaa qoraxdu intay ka dhacayso (maqribkii).

3-   Saxuurta
waa farqiga u dhaxeeya  dadkii hore ee Alle rumeeyay soonkoodii iyo keena .
Nabigeenii suubane nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxuu yiri ha la suxuurto, saxuurta barako ayaa ku jirtee. Suxuurta waxaa laga helaa faa-iidooyin aan la soo koobi karin:

a- Waxaa hubaal ah in haddii aad u kacdid suxuurta  aad salaaddii subaxna  ay san ku dhaafeynin.
b- Waxaad helaysaa barakadii  Nabigu  salallaahu caleyhi wasalam uu ku sheegay saxuurta, Anas Bin Maalik Allaha ka raali noqdee wuxuu Rasuulka Alle (s.c.w) ka weriyey inuu yir:

تسحروا فإن السحور بركة  ::: رواة البخارى و مسلم

Suxuurta, maxaa yeelay saxuurta barako ayaa ku sugan

4-    Qofka sooman waxyaalaha ku waajibka ah in uu ka tago

in uu daayo beenta iyo been abuurka  iyo ku dhaqankooda  iyo dhammaan ficilada xunxun.

5-    waxyaabaha u banaan qofka sooman

sida in uu  rumayan karo markasta,in uu luqluqan karo ama ku sandaarsan karo(biyaha) laakiin uu san ku xeeldheeraan ama uu san dhuunta u gudbin biyahaas.

6-    Afurka
in la dadajiyo  afurka  taas oo uu Nabigu  na amray   salawatulaahi wasalaamuhu caleyhi, Sahal Bin Sacad Allaha ka raali noqdee waxuu Rasuulka Alle (s.c.w) ka weriyey inuu yiri:

لا يزال الناس بخير ما عجلوا الفطر  ::: رواة البخارى و مسلم

Dadku kheyr kama zuulaan (kama dhammaado)intay afurka dedejiyaan.

waxaa  habboon in lagu bilaabo  timir ama biyo qofkii aan heli Karin timirta, Anas Bin Maalik Allaha ka raali noqdee wuxuu  yiri:

كان رسول الله صلى الله عليه و سلم يُفطر على رطبات قبل أن يُصلى , فإن لم يكن فعلى تمرات , فإن لم تكن حسا حسوات من ماء ::: رواة ابو داود و الحاكم و صححة الترمزى

Rasuulka Alle (s.c.w) wuxuu ku afuri jiray timirta rudabka (waa tan cusub oo qoyan) intuusan maqribka tukan, hadduusan helinna wuxuu ku afuri jiray timir, hadduusan helinna wuxuu kakabban jiray biyo.

sidoo kale waxaa sunno ah in qofka soomani  Allah baryo  xiliga uu afurayo, Cabdullaahi Bin Camar Bin Alcaas Allaha ka raali noqdee wuxuu Rasuulka Alle (s.c.w) ka weriyey inuu yiri:

(( إن للصائم عند فطرة دعوة ما تُرد )) رواه ابن ماجه

Qofka sooman waxaa u sugnaaday xilliga uu afurayo duco aan la celin (oo maqbuul ah) sidaas awgeed waxaa habboon in ducada la badiyo.

7-    waxyaalaha buriya soonka

a- in qofku uu wax cabbo ama wax cuno  si kas (ulakac) ah, laakiin haddii uu hilmaan ku sameeyo uu soonkiisii wadan doono.
Abuu Hureyra Allaha ka raali noqdee wuxuu Rasuulka Alle (s.c.w) ka weriyey inuu yiri:

(( من نسى وهو صائم فأكل او شرب, فليتم صومه, فإنما اطعمه الله وسقاه)) ::: رواه الجماعة

Qofkii isagoo soomman hilmaama oo wax cuna ama cabba soonkiisi ha dhammaystiro (oo soonkii waa u jiraa) Ilaahey ayuunbaa quudiyey oo waraabiyey.

b- mataga hadduu iska keeno qofku waa uu ka jabayaa soonkiisu  laakiin haddii uu soodhaafo  waa uu wadanayaa soonka, Abuu Hureyra Allaha ka raali noqdee wuxuu Rasuulka Alle (s.c.w) ka weriyey inuu yiri:

(( من ذرعه القىء فليس عليه قضاء , ومن إستقاء عمداً فليقض )) ::: رواه احمد وابو داود والترمزى

Qofkuu matag soo dhaafo oo (iskii uga yimaado) soonkiisi waa u jiraa oo ma qalleyn doono, qofkiise matagga iska keena soonkiisi waa buray ee ha qalleeyo (ha soo celiyo)

jamaaca(oo ah haweeneyda iyo odaygeedu markii ay wada xaajoodaan ) hadday arrintaasu dhacdo maalinimada  soonku waa burayaa  waxaana laga rabaa in uu kafaaro gud la yimaado oo ah  in uu xoreeyo qoor(muslim)ah,hadduusan awoodinna  inuu soomo laba bilood oo xiriir ah,hadduusan awoodinna  inuu cuno siiyo (quudiyo) lixdan ((60)) maskiin. Sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaalaha jabiya soonka  xaydka oo ah dhiigga haweenka ku dhaca, ama kan dhalniinka.

Waxaa ka mid ah oo kale biyaha (manida) ragga ka yimaada sababo la xiriirta ficil uu sameeyay sida gacanta oo la isticmaalo ama dhunkasho iwm, laakiin biyaha (manida) isaga oo hurda  ka yimaada wax dhib ah u gaysan maayaan soonka insha Allaahu Tacaalaa. Intaasi waa intii  Alle uu ii sahlay in aan ka sheego soonka wasalaahu wasalama calaa muxammad.

Qore: Cabdulqaadir Dalmar